Donald Trump oo Salaasada maanta ah maxkamad la soo taagayo

Published: April 4, 2023

Maanta oo Talaadada ah, Donald Trump ayaa ka soo muuqan doona Maxkamad ku taala magaalada New York, halkaasoo si rasmi ah loogu eedeeyay dambiyo. Waa markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka ee madaxweyne hore maxkamad la soo taago.

In ka badan 30 000 oo boolis ah ayaa shaqayn doona muddada dhegaysiga dacwaddu socoto.

30-kii bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Manhattan uu xaqiijiyay in Donald Trump lagu soo oogay dacwad.

Sida laga soo xigtay gabadha filmaanta galmada ka shaqeyn jirtey ee Stormy Daniels, Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu bilaabay inuu xiriir la sameeyo 2006 gabadhaas. Toban sano ka dib, intii lagu jiray doorashadii madaxtinimada, waxay heshay $ 130,000 oo ay ku beddelatey saxiixa heshiis aan qarsoodi ahayn. Intii lagu guda jiray baaritaanka, oo socday ilaa 2018, ayaa lagu ogaadey waxyaabo kale, in lacagaha la siiyay Daniels si qaldan loo diiwaan geliyay.

Trump ayaa ka degay New York galabnimadii isniinta ee shalay, sida uu sheegay CNN, waxa uu habeenka talaadada ku hoyan doonaa daarta dheer ee Trump Tower.

Inta lagu guda jiro dhageysiga maxkamada, laga bilaabo 2:15 pm wakhtiga maxaliga ah, Donald Trump, waxaa laga qadi doonaa sawiro iyo faraha sida ay maraan dadka dacwadda lagu oogo.

Sido kale si rasmi ah ayaa dacwad loogu soo oogi doonaa waxaana uu wajihi doonaa garsoore. Sida uu qabo nidaamka sharciga, madaxweynihii hore waa inaan loola dhaqmin si ka duwan muwaadiniinta kale ee Mareykanka.

Horseed Media