Donald Trump oo xaalku ku xun yahay, eedaymo cules oo lagu soo oogay

Published: June 10, 2023
Shares4

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa ku eedeysay Trump inuu halis galiyay amniga qaranka ee dalka isagoo dukumentiyo sir ah ku xafiday gurigiisa Mar-a-Lago.

Dacwada ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Jimcihii, waxaana lagu soo bandhigay 37 dacwadood oo la xariira sida uu u maamulay dukumiintiyo sir ah oo uu qaatay xiligii uu xafiiska joogay.

Dukumeentiyada laga helay guriga Trump ee Mar-a-Lago waxaa ka mid ah faylal aad xasaasi u ah oo ku saabsan awoodaha Nukliyeerka ee Mareykanka, iyo sidoo kale kuwa dalalka kale.

Dukumentiyadan oo kala duwan ayaa ka yimid Pentagon-ka, Hay’adda Sirdoonka, Nabadsugida iyo Hay’ado kale oo sirdoon ah.

Qoraal ka soo baxay waaxda caddaaladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in “Shaacinta aan la fasixin ee dukumentiyadan sirta a halis ku tahay amniga qaranka Mareykanka”.

Eedeymaha ugu sarreeya ayaa ah in lagu xukumo xabsi ilaa 20 sano ah.

Madaxweynihii hore ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadada ah uu ka soo muuqdo maxkamada ugu horeysa ee Miami.

Eedeyntan oo ka kooban 49 bog ayaa Trump ku eedeysay in uu si bareer ah u iska indho tiray dalabaadkii waaxda cadaaladda ee ahaa in uu soo celiyo dukumeentiyadii uu qaatay.

Waaxda cadaaladda ayaa sidoo kale Trump ku eedeysay inuu si khaldan u maamulay xogaha xasaasiga ah, iyadoo bixisay labo tusaale oo ah markii madaxweynihii hore uu dukumentiyo sir ah tusay shaqsiyaad aan loo fasixin.

Hal kiis oo kamid ah eeda la gudbiyey ayaa sheegaysa in Donald Trump ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad inuu tusiyay qof ka mid ah guddigiisa siyaasadda khariidad faahfaahinaysa hawlgal milatari oo ka socda waddan shisheeye, sida ku cad eedda.

Tusaalaha labaad ee ay soo bandhigtay waaxda cadaaladda, Trump ayaa lagu eedeeyay in uu tusiyay “qorshe weerar” millatari qoraagiisi iyo laba ka mid ah shaqaalihiisa – kuwaas oo midkoodna aan haysan fasax amni si uu u eego macluumaadka.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in Trump uu og yahay in xogtaasi ay tahay mid sir ah.

Trump ayaa isu diyaarinaayey in uu mar labaad dib ugu noqdo Aqalka Cad isaga oo ah musharaxa ugu taageerada badan xisbiga jamhuuriga doorashada sanadka 2024 ee dalka Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media