Dooni Ku Degtay Meel 6o-Mile U Jirta Dekeda Boosaaso

Published: June 28, 2023

Doon siday shamiito ayaa saaka ku degtay meel 60Mile u jirta dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen ganacsatadii ay u rarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Shamis ayaa shimaatada kasoo qaaday dalka Yemen, waxay u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Boosaaso.

Hawlwadeenada iyo shaqaalaha doonta degtay oo soo hadlay codsaday in loo fidiyo gurmad maadaama saaran yihiin saxiimad yar halkan qaar kale maciinsadeen looxaan dul sabaynaya badda.

Dowladda Puntland, wali wax war ah kama soo saarin xaaladda doonta degtay.

Horseed Media