Doorashada kursigii laga hor istaagay Fahad Yaasiin oo maanta lagu qabanayo Magaalada Muqdisho

Published: February 25, 2023
Shares4

Xarunta Dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliye Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop086.

Kursigaan oo deegaan doorashiisu tahay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Guddiga doorashooyinka u soo wareejiyeen Magaalada Muqdisho.

Doorashada kursigan ayaa la qabanayaa, xilli uu muran badan ka taagan yahay doorashadiisa, kadib markii musharixiinta u taagan ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen in loo diiday inay isdiiwaan galiyaan.

Kursigaan waxaa horey ugu guuleystay Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin iyadoo Guddiga doorashada qaadaceen hanaanka loo maray doorashadiisa.

Horseed Media