Doorashada Turkiga oo u muuqata in wareeg labaad la isla aadi doono

Published: May 15, 2023

Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay doorashada guud ee dalka Turkiga, Rajab Tayyib Erdogan iyo musharraxa mucaaradka ee ay sida weyn ugu loollamaya kursiga ayaa sheegay inay aqbali doonaan in laysla aado wareeg labaad.

Tirooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Madaxweyne Erdogan uu heysto in kayar boqlkiiba 50 ee codadkii la tiriyaay halka Kemal Kilicdaroglu uu heysto ilaa boqolkiiba 45.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay uu musharraxa la tartamaya Erdogan isla aadaan wareeg labaad ee doorasho madaxtinimo.

Waa doorashadii ugu adkeyd ee dalka Turkiga ka dhacda muddo sanado ah, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo sicir barar xoogan isla markaana uu ka soo kabsanayo dhulgariirkii ka dhacay dalkaasi horraantii sanadkan.

Horseed Media