Doorashadii Mamaulka Degmada Boosaaso Maxay Ku Dhamaatey?

Published: October 3, 2023

Jadwalka dhismaha maamulada degmooyinka ayaa maanta ku asteysneyd in loo dhiso magaalada Boosaaso. Boosaaso waxay leedahay 33 Xildhibaan oo ka soo abxay 6 Xisbi.

Dhismaha mamaulka waxaa loo xil saarey Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Axmed Kulan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa maalintii shalay soo saartey habraaca fariisinta xildhibaanada maadaama Boosaaso kala qaybsanaan weyn ay ka jirto, waxaana habraacu dhigaayey in saddex meelood laba meelood (2/3)ay xaadir ku yihiin fariisinta.

Afar Xisbi ayaa ku heshiiyey in ay wada dhistaan, si meesha looga saaro Xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Mideeye.

Muddo saacado badan ah ayey qaadatey in xildhibaanada kala fadhiya la isu keeno. 12 Xildhibaan ayaa duhurkii soo xaadirey hoolka gobolka, halka 21 ay ka maqnaayeen oo fadhiyeen goob kale. Waxaa dedaal badan ay xisbiyada xisbi xaakimka isabahaysiga la noqdey ay sheegeen in ay dhaariyeen 16 xildhibaan.

In 16 xildhibaan la dhaariyo waa mid khilaafsan habraaca Wasraaddda arrimaha gudaha, kadibna waxaa lagu dhawaaqey in xisbiga Sincad uu guddoomiye u magacaabey Cabdifataax Shanle, halka Xisbiga Mustaqbal guddoomiye ku xigeen u magacaabeen Bashiir Siciid wax doorasho ahna ma dhicin.

Dhanka kale Xildhibaano gaaraya 16 ayaa iyaguna is dhaariyey, waxaana ay guddooomiye u doorteen Cabdiraxmaan Jinac oo ka socdey Xisbiga Mideeye halka ku xigeen loo doortey Cumar Mursal oo ka tirsan Mustaqbal.

Waxaa muuqata in si ba’an loo kala qaybiyey xildhibaanadii golaha deegaanka, oo la dhawaacay dedaalkii bulshadu ku bixisey in la helo gole deegaan oo hufan oo shaqeyn kara.

Ma jirto hal magaalo oo ay ka dhacdey doorasho guddoomiye iyo ku-xigeen.

Horseed Media