Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Dadweynaha Puntland aad bay ugu hamuun qabeen in ay mar codkooga ay ku doortaan qofkii ku matali lahaa siyaasada si ay u helaan isla xisaabtan. Dowlada uu hogaamiyo Saciid Cabdulahi Deni ayaa dadka ka dhaadhicisey in doorashooyinka soo socda ay ahaan doonaan kuwa dimoqraadiyaddi ku dhisan oo uu qof walba dooranayo qofkii uu rabo ama ay isleeyahiin danahiina buu wax ka qaban karaa.
Dadka dimoqraadiyadda wax ka yaqaan isla markii uu madaxweynahu bilaabay Barnaamijkiisi ahaa dimoqraadiya, waxaa u muuqday in aysan arrinka madaxweynaha uu ka shaqaynayo aysan marnaba dimoqraadiyey aysan ahayn.
Dimoqraadiyadu waa marka qofka uu soo doordo qofka uu isleeyahay wuxuu wax ka qaban karaa xaalada markaa jirta. Qofka lasoo dooranayana waa qof isu soo sharaxay inuu xilkaa uu isku soo sharaxay uu qabto, isagoo dadka u sheegaya aqoontiisa iyo sida uu wax uga badali karo xaaladaha markaa jira. Qofka wax dooranayana uu doorto qofka uu rabo.
Doorashadii hadda ka dhacay Puntland waxaa la dooranayey waa xisbiyo, xisbayada oo usoo xulay halkii degmaba ilaa tiro musharixiin ah oo u kala horeeya sidii uu xisbiga u kala hormariyey. Taa micnaheeda waxaa weeye haddii uu xisbiga helo labo ama sedex cod, labada ama sedex qof oo liiska u horeysa baa codka helaya.
Waxaa dhacay meelo badan in qofkii afaraad ee liiska oo dad badan oo magaalada degan ka dhaadhiciyey in ay isaga u codeeyaan maxaa yeelay wuxuu wax ka badali karaa xaaladooda, inuu codkii waayo oo dadkii isaga u codeeyey ay kusoo baxaan qof kale oo xisbiga ka dhigtey qofka koowaad ama labaad, qofkaa oo laga yaabo qofkale oo xisbiga ka tirsan in ay qaraabo yahiin.
Qofkii xisbiag ka dhigtey qofka koowad liiskii ay gudbiyeen oo aanan qofna u codeeyeen isna qofna raadsan in loo codeeyo baa waxaa muuqday inuu ku soo baxay codadkii dadka kale juhdiga kaliyeen, inkastaoo la isku dayey in arintan lagu xaliyo seejooyin ayey noqotey iyaduna mid ka sii xun.
Halkaa marka ay marayso, dadka dimoqraadiyadda wax ka yaqaan way ogaadeen in ay wax qaldan yahiin, lakiin dadweynaha reer Puntland oo hamuun u qabay in ay mar uun wax dooran karaan ayaan fahmin siddii ay wax u socdaan.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku indha saabay waxaa ka xoroobeeysaan siyaasi ay soo xuleen odey dhaqameed, kaas oo idinka fushada danahiisa gaarka ah. Wuxuu kaloo ka dhaadhiciyey dadka qof walba oo ka hadla doorashada waa qof aanan rabin in aad aayahiina ka talisaan oo horgal ah oo rabo in lagu sii jiri siddi hore oo musuqmaasuq wax lagu soo xuli jirey.
Doorashadii golayaasha degaanka markii ay dhacday bishii May 25, 2023, dad badan waxay filayeen in dadkii la doortey ay xafiisyada u shaqo tagaan muddo yar ka dib. Sedex bilood iyo bar ka dib bay dowlada isku dayday in ay degmooyinkii u samayso gudoomiyaal iyo ku xigeeno.
Habraaca doorasha ayaa wuxuu dhigayaa in xisbigii haysta Aqlabiyad uu doorto gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Haddii la waayo xisbi haysta Aqlabiyad, waxaa is bahaysanaya xisbiyada ilaa dhowr xisbi ay Aqlabiyad noqonayaan oo markaa iyaga dhisayaan golayaashii degmada. Haddii la waayo xisbiyana oo noqda Aqlabiyad in doorasho la sameeyo xildhibaanada dhextooda ah oo sanduukh lagu kala baxo.
Dastuurka wuxuu qorayey in ururada siyaasada oo sagaal ahaa ay sedexda ugu codod badan loo aqoon sanayo xisbiyo. Sidaas baana doorashadii lagu galay. Doorashadii kadib ayaa dastuurkii la furay oo loo aqoonsatay 8 ka mid ah 9 urur xisbiyo.
Afar ka mid ah xisbiyadii 8 ahaa baa midoobay oo ah Sincad, Ifiye, Mustaqbal oo dhinac ah iyo Kaah. Labada xisbi ee kale oo ah Runcad iyo Shaqaalaha codad saas ah ma helin. Mideye iyo Horseed na waa ka horyimaadeen ka mid noqoshaha doorashooyinka soo socda, in kastoo Horseed aysanba ka qayb qaadan doorashadii golayaasha.
Afarta xisbi oo midoobey baa waxay ku qaybsateen magaalada Burtinle golayaashii degaanka iyagoo aanan xeerin xisbiga ugu badan doorashadaas iyo sidda ay xisbiyada isku raaceen maadaama aysan jirin hal xisbi oo mucaarad ah. Waxay ku saleeyeen siddii ay islahaayeen qabaa ilada baa wax ku qaybsan jiray.
Aqoon, yari ay ka leeyahiin sidda dadka wax u qaybsan jireen, iyo dadkii oo ogaaday in aysan waxaan ku salaysanayn xisbiyo oo meelaha qaarkood xisbi helay codad yar la leeyahay isagaa gudoomiya laga soo xulayaa ama gudoomiye ku xigeenka.
Odey dhaqameed badan baa waxay u dacweedeen wasiiradoodii markii ay is fahmi waayeen wasiirkii Arimaha gudaha oo fulinayey waraaqahii ay xisbiyada u soo dhiibeen oo u dhib badan kala kulmay. Waxaase moodaa in wasiirka arrimaha gudaha uu dareemay in wax khaldan yahiin markii uu Facebookiisa kusoo qoray in loobahan yahay in isbahaysiga xisbiyada uu ku salaysan yahay heshiis buuxa oo cafimaad qaba loona baahan yahay in xildhibaanada dageenada lagala tashado. Dacwadii odeyaasha markii danbe waxay gaadhay in la yiri madaxweyne ku xigeenka oo laga soo wariyey inuu yiri aniga ma idin kale aqaanee, aan sugno ninkii meesha xukumay oo safar banaanka ah ku maqan tan iyo15 Agoosto 2023.
Dadka intiisa badan waxaa moodaa in ay hadda soo fahmayaan in doorashii loo sheegeyey in ay dimoqraadiyad tahay aysan ahayn oo isku bedashey in uu xisbigu soo magacaabo qofka ay rabaan iyadoo loo eegin in qofkaa dadka magaalada ay doorteen maadama waxa la dooranayey ay ahaayeen xisbiyo oo aan qof shakhsi loogu codeeyn.
Dad weynaha Puntland hadda waxay ka walwal qabaan sidda ay ku suuroobayso in la qabto doorasha ku salaysan hal qof iyo hal cod January 8, 2024, iyadoo la og yahay in doorashadii May 25 la qabday aan wali laga heshiin lana dhowrayo inta madaxweynaha ka soo noqonaya, iyo iyadoo sidoo kale la og yahay in sedex degmo oo ay ku jirto caasimada aanan wali doorasho laga qaban.
Waxaa suuqa laysla dhexmarayaa in ay dowlada rabto in ay xukunka kororsato ilaa labo sano oo gudiga doorashooyinka ee Puntland hadda la doorday ay ka codsan doonaan barlamanka inaysan ku qaban karin doorasho xiliga dhiman loona baahan yahay in xilka loo kordhiyo dowlada. Markaas uu madaxweynaha oran doono, aniga waxaan rabay in doorashada dhacto January 8, lakiin gudigii baa codsaday in waqti la siiyo, siddaasna uu madaxweyne ku sii ahaado.
Wali madaxiisa waxaa ku jirta sheekadii uu ka sheegey Madaxweyne Faramaajo markii uu ku jiri xiligii doorashada waa la gaaray, miyaad aragtay qof darbiga iiga soo dhacay. Markaas baan waxaa iri buu yiri iska oo qoslaaya maya. Wuxuu ku fekarayaa haddii uu waqtigaaga dhamaado, wax darbiyada kaaga soo dhacaya ma jiraan, lakiin wuxuu is hilmaansiinayaa Madaxweynaha meeshii uu Faramaajo markii danbe ku danbeeyey.
Xalku wuxuu ku jiraa in uu madaxweynaha isku yeero Mucaaradka iyo odey dhaqameed yadda oo laga wada hadlo sidii ay doorasho ku dhici lahayn January 8, 2024, iyadoo doorashada lagu gelaayo qaab ay dadka wadda oggol yahiin, xiliga doorashada ka harayna aysan saamaxayn in waxkale lagu heshiiyo aanan ka hayn wixii horey heshiiska loogu ahaa oo ah in odey dhaqameed ay soo xulaan 66 xildhibaan, dowlada ka dhalatana ay bilowdo maalinta koowaad in ay hirgeliso dimiqaradiyad dhab ah oo qof uu qof doorto.
Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Email: mohabdhus@gmail.com
Atlanta , Georgia.