Doorashooyinka Somaliland oo si rasmi ah loo shaaciyey maalinta ay dhacayaan

Published: February 3, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ku soo saarey maalinta rasmiga ah ee doorashooyinka isku sidkan ee Golaha deegaanka iyo Goloyaasha Wakiilada la qaban dooni 31 bisha Maajo 2020.

Xilliga la qabanaayo doorashada, waxaa soo jeediyey guddiga doorashada, waxaana loo gudbiyey Golaha guurtida ee Somaliland kuwaas oo ansixiyey.

Doorashada ee Golaha Wakiilada ayaa weligeed la qabtey hal mar oo ahayd sanadkii 2005, waxaana muddada xilkoodu ahaa 5 sano waxaana ay xiligoodi dhaafeen 15 sano.

Doorashada waxaa ku tartami doona musharixiin ka kala socota Saddexda Xisbi ee Somaliland ka dhisan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *