Dowlada Hungary oo cunaqabateyn kusoo rogtay Qaxootiga dalkeeda Yimaada

Published: August 23, 2018

Hay`ada u dooda xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa si adag u cambaareysay go`aanka ay dowlada Hungary cuntada uga joojisay qaxootiga ku xiran xeryaha ku yaal xaduuda dalkaasi uu la wadaago dalka Serbia.

Dowlada Hungary oo iyadu si adag ulla dhaqanta dadka soogalootiga ah iyo qaxootiga ka imaanaya Turkiga iyo Serbia ee doonaya inay usii gudbaan dalalka kale ee Midowga Yurub, ayaa dhawaan bilowday inay cuntada ka jarto qaar kamid ah qoysaska qaxootiga ee xeryahaasi ku jira.

Warbixin ay Arbacadii shalay soo bandhigtay Hay`ada HRW ayaa lagu faah faahiyey qaabka qalafsan iyo cunqabateynta la saaray qaxootiga ku jira xeryaha Hungary oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaya sharuucda caalamiga ah.

Maxkamada Midowga Yurub ayaa horaantii bishan Agoosto ku amartay dowlada Hungary inay joojiso falalkan, balse 20kii bishan Agoosto ayuu xafiiska Jinsiyadaha iyo Soogalootiga ee dalkaasi Hungary warbixin uu soo saaray ku sheegay inuusan jirin sharci ku khasbaya inay wax cunto ah siiyaan dadka lagu hayo Xeryaha loo yaqaan Transit Zone ee ku yaal xaduuda dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *