Dowladaha Mareykanka iyo Canada oo heshiis ka gaaray qul-qulka dadka muhaajiriinta

Published: March 25, 2023

Dowladaha Canada iyo Mareykanka ayaa heshiis ka gaaray waxa laga yeelayo soo galootiga sida sharci darrada ku galaya dalalkooda.

Heshiiska ay gaareen ayaa lagu magacaabaa heshiiska dalka saddexaad ee nabdoon, kaasoo soogalootiga faraya inay iska dhiibaan dalka ugu horreeya ee nabdoon ee ay tagaan, halka ay dal kale uga sii gudbi lahaayeen.

Mareykanku waxa uu sidoo kale awoodi doonaa inuu dib u celiyo dadka magan-gelyo doonka ah ee ka soo safra xuduudda ka soo gala canada.

Canada waxay ku heshiisay inay 15,000 oo qof oo dheeraad ah oo ka socda qaybaha Galbeedka ay u guuraan si sharci ah Canada.

Biden ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay heshiiska siyaasadda cusub isagoo hadallo u jeediyay baarlamaanka Canada “waxay kor u qaadday barnaamijyo la mid ah oo ay wadooyin cusub oo sharci ah u furtay muhaajiriinta”

Horseed Media