Dowladaha Soomaaliya & Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo Ciidamada

Published: March 16, 2023
Shares62

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis lagu tayaynayo ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Kumaandooska Danab.

Wasiirka Difaaca ayaa xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu xoojinayo  tababarada iyo Qalabeynta ciidamada xoogga ee Kumaandooska Danab, isla markaana lagu qalabeynayo, si ay uga jawaabaan qataraha ka imaanaya khawaarijta iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab. 

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka. 

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya  ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab

Horseed Media