Dowladda Federaalka Oo Ku Eedaysay Kenya inay faragelinaysa Arrimaha Gudaha Somaliya

Published: February 5, 2020

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ay soo saartay waxay ku eedaysay dowladda Kenyan inay faragalin siyaasadeed iyo mid amni ay ka waddo gudaha dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo midda amni ee ay dowladda Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya, taasi oo aan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

“Waa in aan Dowladda Kenya u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya macaga dalada AMISOM faragelinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *