Dowladda Federaalka oo War Ka Soo Saartay Duqayn lagu Dilay Saraakiil Alshabaab

Published: January 20, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Milatariga Mareynkanka ay shalay gelinkii dambe duqeyn xagga cirka ah ka fulisay magaalada Bangeeni ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo lagu dilay saddex maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warka duqeynta ayaa lagu sheegay ineysan jirin wax dhibaato ah oo dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaas.

Weerarka kaddib, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib uga guurtay deegaannada la duqeeyay, waxayna ciidamada xoogga dalka ee DANAB ay sii wadeen howlgalkooda ka dhanka ah argagixisada.

“Duqeymaha iyo dagaallada ka dhanka Al-Shabaab ee dhawaan dhacay ayaa muujinaya sida ay ciidanka Xoogga dalka iyo la-hawlgalayaashooda uga go’an tahay in cadaaladda la horkeeno kuwa argagax gelinaya shacabaka Soomaaliyeed iyo Walaalahooda Bariga Afrika ku dhaqan” ayaa lagu yiri warbixinta dowladda federaalku ka soo saartay weerarka lagu dilay saraakiisha Alshabaab

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maraykanka ayaa weerar ay 16kii bishan Jannaayo ka fuliyeen degaanka Kunyo Barrow ee Gobolka Shabeellda Hoose waxay ku dileen saddex Xubnood oo ka tirsanaa ururka Alshabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *