Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay xiisadda colaadeed ee magaalada Ceerigaabo

28 August, 2024

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda colaadeed…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda colaadeed kasoo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Baaq nabadeed oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayey u baaqday beelaha walaalaha ee halkaasi wada inay ilaashadaan nabadda iyo wada noolaanshaha.

Ku dhowaad toban qof ayaa asbuucan gudihiisa lagu dilay magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada hoos-yimaada, sababo la xiriira colaad qabaa’il.

Horseed Media