Dowladda Maraykanka oo taageertay Madaxbanaanida dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 12, 2024

Waaxda arrimaha afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta (X) ee ay isticmaasho ayaa lagu taageeray midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee qarankeena.

“Mareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.” ayaa lagu yiri; Warsaxaafadeed Maraykanka.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhoweeyey shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan, isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaas.

Horseed Media