Dowladda Puntland oo mar kale si adag uga hortimid go’aanadii ka soo baxay Muqdisho

31 October, 2024

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowaldda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah looga hadley go’aamadii ay soo saareen…

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowaldda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah looga hadley go’aamadii ay soo saareen qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada, Dowladda federaalka ah iyo maamulka Gobolka Banaadir. Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ku tilmaamey go’amaadaas kuwo nasiib darro ah.

Puntland ayaa soo dhaweysey mowqifka Dowladda Jubaland ay qaadatey, waxaana lagu bogaadiyey in ay doorashadooda qabsadaan, sidoo kale golaha xukuumadda Jubaland ayaa soo dhaweeyey mowqifyada ay qaateen madaxdii hore ee dalka soo martey sida Shariif Sheekh Axmed, Farmaajo Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale Dowlada Puntland ayaa soo dhaewysey oo taageertey baaq ka soo abxay Xildhibaanada federaalka ku metala Puntland iyo Golaha Wakiilada ee Puntland oo dhamaantood kasoo wada horjeestey goaamadii qaar kamid ah GWQ.

Hoos ka akhri go’aamada golaha xukuumadda Puntland ka soo baxay:

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay mar kale caddeyneysaa in ay mowqifkeedi hore ka taagan tahay habka khaldan ee loo marayo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya, go’aanka ka soo baxay qaar kamid ah Golaha wadatashiga Qaran waa mid si buuxda u muujinaya waxyaabaha ay Dowladda Puntland hore uga digtey