Xildhibaanada labada aqal ee Puntland ku matela dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha wakiilada dowladda Puntland oo laga soo bilaabo 24 October 2024 ilaa 30 October 2024 ku lahaa caasimadda Puntland ee Garoowe kulamo wadatashi iyagoo ka duulaya waayaha iyo duruufaha ku xeeran Soomaaliya ayaa soo saaray qodobo dhowr ah.
Xildhibaanada ayaa qaadacay wax ka bedelkii lagu sameeyey dastuurka kumeelgaar ah ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 01 August 2012, isla markaana Puntland qayb ka ahayn shuruuc kasta oo aan lagu dhisin heshiis bulsho.
Xukuumadda Puntland ayey ku amaaneen in ay wadahadal ku baaqday dhowr mar, balse nasiib darro weyn ay tahay inay madaxda federaalku dhagaha ka furaysatay baaqyada wadahadalka.
Madaxda Federaalka ayey uga digeen inay soo saaraan heshiisyo siyaasadeed oo aan loo dhamayn, iyagoo Jubaland ku bogaadiyey mowqifkeeda ku aadan qabashada doorashooyinkeeda dastuuriga ah, dhanka kale ugu dambayn waxay soo dhaweeyeen garab istaagii dowladda Puntland u muujisay halgankii bulshada iyo maamulka SSC-Khaatumo.
Horseed Media