Dowladda Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta

Published: December 15, 2023

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soocelinta xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho khayraadka meeraha dayax-gacmeedka baahinta isgaarsiinta.

Guushan, oo tilmaamaysa dhammaadka geeddi-socod adag oo socday muddo sanad ah,si waafaqsan ujeeddooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxa ay horumar u tahay dhinaca isgaarsiinta dalka.

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo Shirweynaha Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaaldagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax-gacmeedka ee ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay dalakii ku guuleysatay inay dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayaxgacmeedka.

“Ballanqaadkii iyo dadaalkii aan kala go’a lahayn ee aan sameynay sanadkii la soo dhaafay ayaa ku soo dhammaaday guushan, taasoo muujineysa sida aan ugu heellan nahay horumarinta isku-xirka iyo kaabayaasha teknoolajiyada dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yasiin Sheekh.

Guushani ayaa horseedeysa in horumar dheeri ah laga gaaro dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka, waxayna suurtogelineysaa in dayax-gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan. Waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika. Soocelinta kheyraadka dayax-gacmeedka waxay horumar weyn ku soo kordhin doontaa qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

“Waxaan soo dhoweynayaa guusha dalkeenu ka gaaray soocelinta kheyraadka baahinta ee dayaxgacmeedka isgaarsiinta. Waxaana ku ammaanayaa hay’adda iyo kooxdii ka shaqeysayba guushan taariikhiga ah iyo inaan ka mid noqonno 31ka dal ee Afrika ee ka soo gudbay halbeegyadii la asteeyay,” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolijiyadd Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif.

Guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayaxgacmeedka ayaa ka dhigan waa cusub oo u baryay adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.

Horseed Media