Dowladda Soomaaliya oo garoon diyaaradeed oo cusub ka hirgelinaysa Magaalada Muqdisho

Published: June 15, 2024

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo qabilsan duulimaadyada diyaaradaha ee imaanaya ama ka baxaya caasimadda dalka.

Maareeyaha oo manta ka qeybgalay kulanka todobadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in waqtiyada soo socsa magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaradaha oo laga hirgalin doono ceelmacaan uu fududeyn doonto in laga boxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aden Adde.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxa uu qiray in Sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doono dhismaha garoonka diyaaradaha,isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaanaayey jawiga iyo badqabka garoonka ceelmacaan oo ah meel ku habboon adeegga diyaaradaha.

Qorshahaan wax ku oolka ah ee loo qaaday samatabixinta adeegyada bulshada ayaa waxaa hadda wada madaxda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo madaxweynahaJamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Horseed Media