Dowladda Soomaaliya oo imtixaan u furtay Kumannaan qof oo u tartamaya macalinnimo

Published: February 27, 2023
Shares4

Raisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka macaliinta cusub ee u tartamayo seddex kun oo macalin oo ay dowladda Soomaaliya qaadaneyso.

Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan dalka.

3800 oo macalimiin ah ayaa waxaa uu imtixaanka saaka uga farmay xarunta jaamacadda Umadda ee degmada Xamarweyne.

Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa sheegtay in Gobolka Banaadir laga qaadanayo kun macalin oo ka mid ah saddexda kun ee macalin oo dalka oo dhan laga qaadanayo.

Horseed Media