Dowladda Soomaaliya oo Magaalada Xudur gaarsiisey diyaarad wada shixnad gargaar ah

Published: March 31, 2023
Shares4

Wafdi  uu hugaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta Gaaray Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool.

Magaaladan waxaa dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Degmada Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas.

Guddoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka deegaanka oo xafadahooda biyaha dhex jiifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaan.

Horseed Media