Dowladda Soomaaliya oo Markab sida shixnad gargaar ah kala wareegtay Imaaraadka Carabta

Published: March 15, 2023
Shares12

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta safiirka Dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya kala wareegay Markab sida shidnad gargaar oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka.

Deeqdan gargaarka ah ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameeyeen abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Sidoo kale deeqdan ayaa la gaarsiin doonaa dadka ku dhaqan deegaanada la xoreeyey Ururka Al-shabaab ee ku kala yaalla Galmudug, Koonfur galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Dowladda Imaaraadka carabta uga mahadceliyey deeqdan isagoo sidoo kale balan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Horseed Media