Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu Turkigu bilaabayo qodista Shidaalka

Published: April 20, 2024

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay war kasoo yeeray dalka Turkiga oo ku saabsan qodista shidaalka Soomaaliya, tanoo la xiriirta heshiiskii ay dhowaan wada galeen labada dal.

Turkiga ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ta ka bilaabo Soomaaliya howlo shidaal qodis ah, gaar ahaanna badaha Soomaaliya, sida u usheegay wasiirka tamarta ee dalkaas.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, kaasoo sii xoojinaya xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carrabey, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in warka Turkigu uu sax yahay, sidaasna ay ku jirtay heshiiskii ay wada galeen.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in heshiiska uu caddeynayo in shaqada la bilaabo, isla markaana sanadka 2025 ee Tukrigu sheegay ay tahay xilliga ugu habboon.

“Wasiirku wuxuu sheegay inay qiimeyn bilaabayaan waqtigaas 2025 ah, waxyaabaha qaar waa lagu heshiiyay, inta dhimanna waxaa la dhammeystirayaa kahor waqtigaas,” ayuu yiri.

Horseed Media