Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga kala wareegtay Gaadiid loogu deeqday Ciidamada Boliiska

Published: March 22, 2023

Wasiiru Dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa ka qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidamada Dowladda.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi  ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay  gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Wasiiru Dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga.

Horseed Media