Dr. Cabdisalaam Maxamed oo loo magacaabey agaasimaha hay’adda Istaatistikada Qaranka

21 November, 2024

Dr Cabdisalaam Cabdiraxmaan PhD . ayaa hoggaamin doona Hay’adda Istaatistikada Qaranka shanta sano ee soo socota, kadib markii golaha wasiiradu u magacaaben xilkaas

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdisalaan Cabdiraxman Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Dr . Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed waxa uu shahaadada PhD-da dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Glasgow waxaana uu khibrad wanaagsan u lee yahay arrimaha dowladda, hadda waxa uu xubin ka ahaa guddiga dhaqaalaha qaranka.

Hay’adda istaatistikada Qaranka ayaa dib loo asaasey sanadkii 2020, kadib markii laga dhigey hay’ad madaxbanaan oo laga jaray Wasaaradda Qorsheynta, waxaana agaasimihii ugu horeeyey noqdey Sharmaarke Farah oo lagu tilmaamo in uu hay’adda ka dhigey mid ku talaabsatey horumar baaxad leh. Muddo xileedkii Sharmaarke Farah agaasimaha ilka ka degaya ayaa dhamaadey taas oo gaareysa shan sanno.

Horseed Media