Dr. Xasan: “Sax ayey ahayd inay Puntland Diido Imtixaanka Dowlada Federaalka” VIDEO

Published: September 7, 2020
Dr. Xasan Sheekh Cali

Waxaa ilaa iyo shalay muran iyo diidmo badan ka dhalatay natiijadii imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga Sare kaasoo ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, kadib markii gobolka Banaadir kaliya ay ka dhaceen 7,873 arday oo kamid ah tirada guud ee dhacday oo ah 8,550.

Waxaa arrintaas walaac ka muujinayey waalidka, ardayda iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed taas oo ku aadanayd sida ay suurogal ku noqon karto in hal mar ay dhacaan tiro ka badan 8 kun oo Arday.

Dr. Xasan Sheekh Cali oo diyaariyey Shahaadada PHD, isla markaana muddo 34 sano macalin soo ahaa ayaa sheegay inay dhimatay kalsoonidii lagu qabey wasaaradda waxbarashada dowlada federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay sax ahayd in Puntland diido imtixaanka wasaaradda waxbarashada dowlada federaalka kaasoo uu ku tilmaamay inay qaadaan dad faashiliin ah.

Sidoo kale Siyaasiyiin badan oo ka hadlay imtixaanka ayaa walaac ka muujiyey iyagoo sheegay in natiijadaas ay ku jirto humaag iyo waxyaabo badan oo is diiddan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *