Duqeymo lagu burburiyey hub iyo xeryo oo ka dhacay Jubada dhexe

Published: January 22, 2020

Waxaa faah-faahino laga helayaa duqeymo xoog leh oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanada duqeynta ka dhacday ayaa waxaa kamid ah Hargeysa-yarey, Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday Hargeysa-yarey, waxaana halkaas lagu burburiyey xarun Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka deegaankaas, waxaa duqeyntaas ku dhintay Horjoogayaal kamid ah Argagaxisada.

Dhanka kale degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ayaa waxaa ugu keydsanaa hub badan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *