War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/01/Duqayn.jpg)
Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.
Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay iney ka firxadaan duqeynta Mareynkanka oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda,kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha argagixisada kaga dhuumaaleysanayaan dalka.
HORSEEDMEDIA