Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho oo maanta baaqdey, kadib digniinta Maraykanka uu soo saarey

Published: April 9, 2024

Diyaaradaha Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Fly Dubai ayaa maanta joojiyey duulimaadkii ay ku tegi lahaayeen magaalada Muqdisho, kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo saartey digniinti u sareysey oo ah in ay heshey xog ku aadan weeraro al-Shabaab ay ka fulinayaan goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho, goobahaas waxaa kamid ahaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddaha Turkish Ailines iyo Fly Dubai ayaa ku tegi jirey duulimaad toos ah magaalada Muqdisho, halka diyaaradda Qatar Airways ay transit ku ahaan jirtey magaalada Jabuuti halkaas ayeyna maanta ku ekaatey uma gudbin Muqdisho.

Duulimaadka TK647 ee diyaaradda Turkish Airlines oo subax-kasta tegi jirtey Muqdisho ayaa maantaoo Salaasa ah baaqatey lama sheegin sababta laakiin waxay u badan tahay dhanka amniga iyo digniinta la soo saarey.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo kamid ah duulimaadyada caalamiga ah ee Muqdisho taga ayaan la ogeyn xaalkeeda, waxaana ay ka dib dhacdey xiligii ay ka duuli jirtey Adis Ababa, lama oga in ay xili danbe kici doonto iyo in ay baaqan doonto.

Maraykanka ayaa sheegay in xogta weerarada ay heleen ay noqon karto, gaari waxyaabaha qarxa lagu xiro, Hoobiyaal meelo fog laga soo rido, qof jaakada bomka soo xirta oo isku dhex qarxiya goobaha dowladdu ku xoogan tahay iyo weerar toos ah.

Habeenkii xalay ilaa saddex Hoobiye ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, ma jirto khasaare uu geystey oo la sheegay.

Dowladda Federaalka Soomaaliaya ayaan ilaa hadda ka hadlin digniinta aadka u saraysa ee Maraykanka uu soo saarey taas oo argagax ka abuurtey magaalada Muqdisho.

Digniinahan iyo khatarta aadka u saraysa ayaa ku soo beegmeysa iyada oo u maanta xilka wareejinaayo Agaasimihii xilka laga qaadey ee hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Salaad.

HORSEEDMEDIA