Erdogan oo ku eedeeyay Reer Galbeedka inay taageerayaan Duulaanka Israel ee Lubnaan

Published: June 27, 2024
Shares26

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyay quwadaha reer galbeedka inay taageerayaan waxa uu ku sheegay qorshaha Israel ay ku doonayso inay ku weerarto Lubnaan oo ay “dagaal ku fidiso” gobolka oo dhan.

“Israa’iil waxay hadda indhaha ku haysaa Lubnaan, waxaanan aragnaa in quwadaha reer galbeedka ee daaha gadaashiisa ay dhabarka ka riixayaan Israa’iil oo ay xitaa taageerayaan,” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaanno ka tirsan xisbiga talada haya ee AKP.

Toddobaadkii hore, xukuumada Israa’iil waxay sheegtay in qorshaheeda weerar ee Lubnaan “la oggolaaday oo la ansixiyay.”

“Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku faafiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn,” ayuu yidhi.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo hanjabaadaha isa soo taraya iyo duqeynta ay is weydaarsanayaan ciidamada Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Xisbullah ayaa ku eedaysay Jasiiradda Qubrus ee hoostagta Giriiga inay gacan siinayaan Israa’iil, hadii uu dagaal qarxana ay beegsan doonaan.

Xiisadan ayaa sidoo kale laga cabsi qaabaa inay saameyso dalalka Turkiga iyo Giriiga oo ka wada tirsan xulafadda NATO kuwaasi oo ay horey uga dhexaysay xiisadda la xariirta jasiiradda Qubrus.

Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay sare u qaaday xiriirka iyo saameynta uu ku leeyahay dalka Lubnaan.

Hadalka hogaamiyaha Turkiga ayaa yimid laba maalmood ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hakan Fidan uu uga digay Giriiga iyo Qubrus inay ku lug yeeshaan colaadda Bariga Dhexe.

Horseed Media