EU-da iyo IRAN oo ku heshiiyey nidaam cusub oo ay isaga-difaacayaan cunaqabateynta Maraykanka

Published: September 26, 2018

Dalalka Midowga Yurub oo iyagu qeybta ka ahaa heshiiskii ay Beesha Caalamka la gashay wadanka Iran ee la saxiixay sanadkii 2015, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan heshiiskaasi oo ay isaga baxday Dowlada Maraykanka.

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa laalay heshiiskaasi bishii May ee sanadkan, isagoona sheegay in dib loo dhaqan gelinayo cunaqabateyntii saarneyd dalka Iran. Maraykanka ayaa sidoo kale ku goodiyey inuu ganaax iyo cunaqabateyn kale saari doono shirkadaha reer Galbeedka ee xiriirka ganacsi laleh Iran.

Midowga Yurub ayaa si adag uga soo horjeestay go`aanka Maraykanka, iyagoo sheegay in heshiiska Iran uu sii socon doono oo ay dhankooda dhaqan gelin doonaan, balse waxay mudooyinkii danbe ka munaaqashoonayeen sidii ay shirkadaha laga leeyahay dalalka EU-da uga xijaabi lahaayeen cunaqabateyn uga timaada dhinaca Maraykanka.

Shirkada Batroolka ee Total iyo Shirkada Diyaaradaha soo saarta ee Airbus oo laga leeyahay EU-da ayaa heshiisyo balaayiin dollar ku baxeyso la galay Iran, balse shirkadahan ayaa cabsi ka muujiyey cunaqabateynta uga imaan karta Maraykanka, maadaama shirkadaasi laftooda ay ganacsi aad u balaaran ku leeyihiin dalka Maraykanka.

Shirkadaha waaweyn ee caalamka ayaa inta badan isticmaala Bangiyada Maraykanka, isla markaana wax ku iibsada lacagta Dollarka Maraykanka kuwaasi oo cunaqabateyn ama ganaax kala kulmi kara Maraykanka hadii ay lacag u shubaan dalka Iran.

Iran iyo EU-da ayaa hada sheegay inay ku heshiiyeen dhismaha Hay`ada labada dhinac u dhaxeysa oo ay si qarsoodi ah isaga diiwaangelin doonaan shirkadaha reer Galbeedka ee doonaya inay ganacisga la sameeyaan wadanka Iran.

Dhismaha hay`adan ayaa la doonayaa inuu gaashaan u noqdo shirkadaha reer Yurub iyo kuwa kale ee caalamka ee sida weyn u daneenaya ganacsiga Iran.

Go`aankan ayaa la shaaciyey shalay kadib markii uu kulan gooni ah dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Britain, France, Germany, Russia, China, iyo Iran oo hada kuwada sugan shirweynaha Qaramada Midoobay ee ka socda New York.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *