Faah Faahinta xogta ninkii geystay weerarkii lagu dhaawacay Donald Trump

Published: July 15, 2024

Ninka weerarkan geystay habeenimadii sabtida ayaa lagu magacaabaa Thomas Matthew Crooks oo ahaa 20 sano jir ku noolaa gobalka Pennsylvania, isla markaana kamid ahaa taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga ee uu hada hogaamiyo Donald Trump.

Booliiska iyo laamaha kale ee amniga ayaa Axaddii shalay waday baaritaanka ay ku sameenayeen gaariga iyo guriga uu degenaa oo ku yaal magaalada Bethel Park, waxaana la sheegay in halkaasi laga helay wax-yaabaha-qarxa.

Ninkan ayaan horey wax danbi ah u gelin sida lagu cadeeyey baaritaanada horudhaca ah, isla markaana sanadkii 2022 dhameeyey waxbarashadiisa dugsiga sare.

Illaa iyo hada lama helin xogta ah inuu lahaa bar u gaar ah ee internetka ama baraha bulshada, waxaana la sheegay inuu ahaa qof afgaaban.

Ardaydda la dhigan jiray dugsiga dhexe oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ahaa qof u jeen-jeera dhanka muxaafidka iyo xisbiga Jamhuuriga.

Thomas Matthew Crooks ayaa weerarka u adeegsaday qori uu lahaa aabihiis, sida ay sheegeen laaamaha amaanka.

Ninkan kama tagin wax qoraal ah oo uu ku faah faahinayo sababta ku khasabtay inuu weerarkan la beegsado murashaxa Madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga ahna Madaxweynihii hore Donald Trump.

Trump ayuu dhaawac fudud kasoo gaaray dhegta middig, weerarkaasi ka dhacay magaalada Butler oo lagu dilay labo qof oo uu ku jiro Thomas Matthew Crooks oo ay ciidamada toogteen, waxaana dhaawacyo culus soo gaareen labo qof oo kamid ahaa taageerayaasha Trump.

Horseed Media