Farmaajo muxuu ka yiri khudbaddii Sheekh Shariif?

Published: February 19, 2024
Shares4

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliyeed Mudane Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta ka jeediyey khudbad ku aadan dhamaystirka dastuurka oo uu sheegay in wadadii saxda ahayd laga leexiyey oo laga dhigey dastuur beddelid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne hore ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartisa Faceboogga ayuu uga falceliyay ishortaag uu sheegay in madaxweyne Sharif lagu sameeyay gudaha baarlamaanka oo loo diidey in uu k hadlo xaaladda dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxaa uu u qornaa sida tan:

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed…”

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale yiri ”Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu ka soo noqda jidkan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.”

Hadal jeedintaydii maanta Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliyeed, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga Soomaaliya.

Horseed Media