Farmaajo oo Xilka Ka Qaaday Taliye ku-xigeenkii Milateriga Federaalka

Published: February 20, 2020

wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa maanta waxaa xilkii uu hayay looga qaaday Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Taliye Bariise ayaa xilka hayay muddo afar bilood oo keli ah isagoo la magacaabay bishii October ee sanadkii hore.

‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa lagu sambabeeyay keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah sida lagu sheegay wareegtada.

madaxtooyadu ma shaacin cidda bedelaysaa taliyaha xilka laga qaaday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *