FRANCE: Macron oo sheegay inay wada shaqeeyaan Tahriibayaasha iyo Argagaxisada!

Published: November 6, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalalka Midowga Yurub ay wax ka bedalaan illaalinta xaduudahooda si looga hortago kooxaha Argagaxisada ah.

Macron ayaa sheegay in kooxaha wax Tahriibaya ay qaarkood xiriir la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah ayna lama huraan ay tahay in la xoojiyo illaalinta xaduudaha isu furan ee wadamada galbeedka Yurub ee loo yaqaan (Schengen Zone).

Wadamada xubnaha ka ah Schengen Zone ayaa ka kooban 22 dal ee kamid ah wadamada EU-da oo lagu daray dalalka Iceland, Norway, Switzerland iyo Lichtenstein.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in qorshihiisan cusub uu u gudbin doono golaha Midowga Yurub shirweynahooda lagu wado inuu dhaco bisha soo socota ee December.

Weerarkii 29kii Oktoober ka dhacay magaalada Nice ee dalka France ayaa waxa geystay nin ka yimid dalka Tunisia oo si tahriib ah kusoo galay Talyaaniga iyo Faransiiska.

Sidoo kale weerarkii ka dhacay magaalada Vienna Isniintii lasoo dhaafay ayaa ninkii geystay la sheegay inuu rasaas iyo hub kasoo gatay dalka Slovakia oo xaduud la wadaaga wadanka Austira oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah Schengen-zone ee EU-da.

Faransiiska ayaa khamiistii shalay ku dhawaqay inay laba jibaari doonaan ciidamadooda ilaaliya xaduudahooda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *