Gallan:Waxaa Ballan ah In Difaaca iyo Jiida Dagaalku ay Noqoto Ceerigaabo

Published: February 28, 2020

Wasiirka ammniga Puntland C/samad Gallan oo uu weheliyo Taliyaha ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta gaaray jiida hore ee degaanka Yube, halkaasi oo fadhiyaan ciidamada Puntland ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka amniga oo la kulmay taliyayaasha ciidamada , lana hadlay ciidamada waxaa uu digniin u diray maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dulqaadkii ka dhammaaday Puntland, oo ay haatan diyaar u tahay inay gaadho xuduuda rasmiga ah ee Puntland iyo Somaliland

“” Wax badan baanu wax xeerinay, wax badan baanu nabadgelyada ilaalinay, wax badan baanu niri xaalada qaboojiya oo dib u dhiga, balse waxaad moodaa inaysan marna waatoobaynin, waxaanu ballanqaadayn aa oo hortiina ka ballanqaadaynaa inay jawaab deg deg ah oo taariikhi ah inay kala kulmaan damaca iyo weerarka ay ku soo qaadeen Jiida aynu joogno” ayuu yiri wasiirka amniga, wuxuuna sii raaciyay

“” Waad ogtihiinoo difaaceena iyo degaankeena asalka ah waa ceerigaabo, waxaanu ka fekeraynay Ceerigaabo nabadgelyo ma lagu wada noolaan karaa sida Galkacayo Nabad loogu wada noolyahay, Marka inay gudaha innogu yimaadaan oo inna damaaciyaan iyagoo shabaab horgalo u ah” ayuu yiri wasiir Gallan

Taliyaha ciidamada Darwiishta Puntland Sareeya Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa dhinaciisa wuxuu sheegay in Somaliland ay weerar dandaansi oo gardaro ah ku soo qaaday Degaamadda Puntland, taliyuhu wuxuu boggaadiyay ciidamada difaaca ku jira

“Dhaqan uma lihin inaynu cararno, ciddii na soo hunguriyaysa oo na soo doonata, naga liibaani mayso, liibaan naga qaadimayso, xaqiiqo weeye, waa na soo daandaansadeen, waana maageen bal dandaansi ninkii looga raayo, wixii hadda ka dambeeya annagu nabad baanu ku joognaye waxayn noqonaysaa waxay keeneen in aanu la fallanqayno”

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/181173123182899/

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Somali, Duqa degmada Badhan Axmed Maxamed Timir iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Jiida hore ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada degaanka iyo ciidamada.

Maalintii arbacadii ee toddobaadkan ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray magaalada Hadaaftimo ciidamada Somaliland iyo Puntland, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *