Galmudug iyo Hirshabelle oo ka soo horjeestey muddo kordhintii Farmaajo.

Published: April 27, 2021

Labada maamul ee Galmudug iyo Hirhsablle oo horey xulafo ula ahaa Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa soo saarey warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin kaas oo ay uga soo horjeedaan muddo kororsiga ayna ku dalabdeen in degdeg lagu fuliyo heshiiskii 17 September.

Hoos ka akhri war saxaafadeedka


Madaxda Dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ee Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Markii ay wadatashiyo qotto dheer layeesheen Bulshada kala duwan.
Markii ay garawsadeen khataraha dhinacyada baden ee uu dalku wajahayo.
Markii ay arkeen ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg-deg ah lahelo.
Markii ay arkeen xaaladaha amnidarro kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan.
Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn in lasii fiirsado xaaladda isa soo taraya ee aan farxad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.
Markii ay garwaaqsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aamo badbaadinkara Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Waxay soo saareen War murtiyeedkaan:

  1. Waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ka tacsiyeyneynaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartey dhacdooyinkaas.
  2. Dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hannaanka Dawlad-dhiska Soomaaliya, si gaar ah shacabka ku nool Muqdisho aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.
  3. Waxaan isla qaadanay in ay dalka si deg-deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro noockasta oo muddo kordhin ah.
  4. Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-key September, maadaama uu yahay kan kaliya ee lagu heshiiyay.
  5. Waa in lajoojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgalinta heshiiskii 17-kii September.
  6. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawlad-goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaataan kaalinta uga aadan sidii loo fulinlahaa heshiiskii 17-kii September.
  7. Madaxda DFS, waxaan ka codsanaynaa in ay si dhakhso ah u qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17 September si dalku u aado doorashadii lagu heshiiyay.
  8. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenikara kala fogaansho iyo xasiloonidarro taas beddelkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad.
  9. Wxaan u soo jeedinaynaa qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida in ay ka fogaadaan waxkasta oo keenikara amnidarro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku u cayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.
  10. Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amniga iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
  11. Beesha Calaamka waxaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah ee la garabtaaganyihiin Soomaaliya, waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dadaalkooda.

DHAMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *