Ganacsato Soomaali oo Lagu Dilay Koonfur Afrika.

Published: February 3, 2017

Dalka Koonfura Afrika waxaa si arxan darro isku mar loogu dilay Saddex nin oo Soomaaliyeed oo dukumo ku lahaa degaanka Khayelitsha oo 30 km u jirta Magaalada Capetowen.

Dilka oo dhacay abaarihii 9kii fiidnimo ee habeenkii khamiistii ee 2da bisha february, waxay booliisku sheegeeen inaysan cadayn sababta loo dilay ganacsatadaas, mana jirto cid loo soo qabtay faldambiyeedkaas.

Dhalinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi Mahad Salaad Axmed iyo Muxudiin Geeddi Cali, Axmed Maxamed Nuur ayaada`doodu u dhaxayso 22 jir ilaa 28 jira, waxaana dilkooda u dhaxasay dhowr daqiiqo oo kaliya

Degaanka uu Dilku ka dhacay oo ay u badan yihiin dadka Madow ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay xaalad kacsanaan ah, waxaana soo wajahay cabsi iyo welwel Soomaalida ka ganacsatada degaankaas.

Gabagabadii, Soomaali badan oo ganacsato ah ayaa dalkaasi Koofur Afrika lagu laayay sanadihii u dambeeyay, kuwasoo qaarkood lagu gubay dukaamadoodii, qaarkooda la dhacay hantidoodii.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *