Garaad Jaamac Garaad Cali oo shacabka Laascaanood ugu baaqay inay dhulkooda difaacdaan

Published: February 6, 2023

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah dhaqankii ku shirsanaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka  Sool ayaa shacabka Magaaladaasi ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan dagaalka saaka ka socda Laascaanood.

“Ninka Walaaladiisa la dilayo daawanaya ee amarka sugaya waa fulay, dagaalka gala oo dadkiina difaaca ,dhiigiina difaaca oo Magaaladiina difaacda” ayuu yiri Garaadka.

Xalaada Magaalada Laascaanood ayaa saaka kacsan waxaan dagaalku u dhaxeeyay shacabka Magaaladaasi iyo ciidamo ka tirsan Soomaliland.

Dagaalka saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Horseed Media