Gargaarkii ugu horeeyey oo gaaray Gaza

Published: October 21, 2023

Waxaa maanta oo Sabti ah la furay xaduuda u dhaxeysa Masar iyo Gaza ee Rafah, iyadoo gaadiid gaaraya 20 oo gargaar bini’aadamnimo sida halkaasi ka gudbeen.

Xaduuda ayaan weli u furneyn dadweynaha doonaya inay kasoo baxaan Marinka Gaza oo ay weli ka socoto duqeynta Israa’iil.

Hay’ada laanqeyrta Cas ee Masar ayaa gargaarkan ugu horeeyey oo isugu jira Daawo iyo cunto geeyey, walow gargaarkan aysan ku jirin shidaalka oo ka go’ay deegaanka Gaza, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay Isbitaalada kumanaan kun ee dadka ah lagu dabiibayo.

Israel ayaa caqabado badan hordhigtay gargaaka loo waday Gaza, oo marar badan dib u dhac ku yimid.

Waxaa xusid mudan in weli ay xaduudaasi ay ku xaniban yihiin boqolaal dad ah oo doonaya inay kasoo baxaan Gaza kuwaasi oo heysta dhalashada dalal kala duwan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo shalay booqday xaduuda ayaa ugu baaqay Israel inay hakiso duqeynta isla markaana fasaxdo gargaarka bini’aadamnimo.

Horseed Media