Garoonka diyaaradaha ee Sanca oo dib loo furay muddo sanado ah ka dib

Published: May 17, 2022

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen waxaa ka duushay diyaaraddii ugu horraysay ee ganacsi ee garoonkaas isticmaasha muddo lix sannadood ah, waxaana duulimaadkaasi uu u jihaysnaa caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Wararka ayaa sheegaya in rakaabka diyaaraddan saaran ay ku jireen dad bukaan ah oo caafimaad u raadsanaya dalalka debedda.

Kormeerayaasha dusha kala socda xaaladda dalka Yemen ayaa sheegay in dib u furista garoonka Sanca inay tahay tallaabo weyn oo hore loogu qaaday, sidii looga mira dhalin lahaa geeddi socodka nabadeed ee socda, ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda dalkaas ka socotay muddada toddobada sano ah.

Dib u soo celinta duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Sanca oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Xuutiyiintu ayaa qeyb ka ah, xabad joojin ay gadhwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo muddo laba bilood ah soconayey, taasoo dhaqan gashay horraantii bishii April. Garoonka ayaa la xiray bishii August ee sannadkii 2016.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka socota dalka Yemen ee ay ku lugta leeyihiin xukuumadda Yemen ee taageerada ka hesha isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo mucaaradka Xuutiyiinta ah ee taageerada ka helaya dalka Iran, inuu sababay masiibo bini’aadinimo oo aad u daran.

In ka badan 23 milyan oo Yamaniyiin ah oo ku nool dalkaas ayaa haatan u baahan gargaar bini’aadanimo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *