Waxaan weli is-faham laga gaarin xaaladda doorashada Puntland 2024 sida ay u ekaaneyso. Madaxweynaha Puntland Siciid…
Waxaan weli is-faham laga gaarin xaaladda doorashada Puntland 2024 sida ay u ekaaneyso. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu weli ku adkeysanayaa in dastuurka wax laga beddelo gaar ahaan qodobada doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka.
Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo hormuud u noqdey waan-waan ay isaga dab-qaadayeen xukuumadda iyo mucaaradka hubeysan ayaan weli miro dhalin, xog soo gaartey Horseed Media ayaa sheegaysa in labada Isim ee Ciise iyo Bashiir ay is-faham la gaareen Madaxweynaha, kadibna ay isku dayeen in ay ku qanciyaan Isimada kale ee Garoowe ku sugan oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, qorshaha ay wadeen kaas oo ahaa:
- in dastuurka wax laga beddelo oo la kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed
- in doorashada golaha wakiilada lagu galo xisbiyo
- in doorashadu ku dhacdo wakhtigeedi 8 Janaayo 2024, laguna galo Baarlamaani.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay labada Isim ee Bashiir iyo Ciise waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay masiirka Puntland oo keligood aysan lahayn loona baahan yahay in loo dhan yahay masiirka Puntland, sidoo kale qodobada ay keeneen ayuu sheegay in ay ku jirto kuwii dagaalka dhaliyey ee aan laga heshiin, sidaas darteed loo baahan yahay xal kale in la helo oo ay dib ugu noqdaan Madaxweyne Deni.
Golaha wakiilada ee Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta oo isniin ah fariistaan kadib fasax afar maalmood ah, jadwalka Xildhibaanada la siiyey ayaa ah akhrinta wax ka beddelka xeerka baangiyada. Laakiin waxaa habeenkii xalay soo baxdey war sheegaya in Xildhibaanada Golaa Wakiilada Puntland ay isla maanta oo Isniin ah u codeynayaan qodobada dastuurka laga beddaalaayo, taas oo keentey in dadka Garoowe cabsi soo wajahdo, inkasta oo maamulka gobolka iyo taliska Boolisku ay dejiyeen xaaladda, sidoo kale afhayeen u hadley ciidamada mucaraadka taabacsan aya sheegay in dhankooda aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka wadin.
Si kastabaha ha ahaatee wararku waxay sheegayaan in Baarlamaanku aanu fariisaneyn arrimaha dastuurka iyada oo waan-waanta Isimmadu aysan soo dhamaan, taas oo keeni karta in xukuumadda iyo Baarlamaanku masuul ka noqon doonaan wixii dhaca.
Maxaa la filayaa?
Isimmada labada ah ee waan-waanta ku jirey waxay haystaan labada maalmood ee soo socda in ay so afjaraan waan-waanta ay wadaan, haddii aysan ku guuleysan oo aysan keenin xal lagu kala raysto markasta Golaha wakiiladu waxay bilaabayaan u codeynta wax ka beddelka dastuurka iyo ansixinta xeerka doorashooyinka, ma cadda in loo heli karo 44 Xildhibaan oo u codeeya wax ka beddelka dastuurka, haddii taas la waayo waxay guuldarro ku noqon doonitaankii Madaxweyne Deni.
Magaalada Garoowe ayaa xuddun u noqotey khilaafka taagan, horey waxaa looga reebay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda ay hor istaageen iyaga oo filaayey in doorashooyinku sidaas ku baaqanayaan, laakiin waxay ka dhacdey doorashadu 33 degmo oo ka tirsanaa 37 degmo oo la doonaayey in doorashooyinku ka qabsoomaan.
Horseed Media