Garoowe: Xuska Munaasabada 1da Luulyo Oo Lagu Qabtay Madaxtooyada Puntland

Published: July 1, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadda xuska 01 Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda mugga weyn ee ay inoo leeyihiin maalmaha Xuriyadda iyo sooyaalkii taariikheed ee laga soo maray halgankii gobanimadoonka.

Horseed Media