Garowe: Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo kulmay

Published: December 9, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalintii 2aad ku sugan Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hoyga uu ka degan yahay Xarunta Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo booqasho iyo salaan ugu yimid.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Garoowe, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay Madaxda Puntland.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ee Puntland ayaa imaanaya, xilli muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan, isla-markaana ay siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ka horyimaadeen muddo kordhintii uu dhawaan Baarlamaanka u sameeyay.

Horseed Media