Garowe: Qodobo laga soo saaray shir looga hadlayey xoojinta amniga & cadaaladda

Published: December 11, 2022
Shares2

Wasiirka wasaaradda caddaaladda, dastuurka, arrimaha diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaanada Puntland.

Kulanka o si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda xabsiyada iyo maxaabiista, la dagaalanka Maandooriyaha, xoojinta wada-shaqaynta hayadaha cadaaladda iyo xoojinta sharciga waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta Maxkamadda Sare ee Puntland, Guddoomoyaha Maxkamadda Ciidanka, Xeer Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Ciidanka la dagaalanka Argagixisada iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska.

Shirka marka soo idlaaday kadib waxaa la isku raacay qofobada kala ah:

1. In la joogteeyo shirka hay’adaha cadaaladda iyo xoojinta sharciga, sidoo kalena la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga hay’adaha cadaaladda iyo sharciga.

2. In qiimayn iyo u kuurgalid lagu sameeyo xaaladda xabsiyada iyo maxaabiista, si wadajir ahna looga wada shaqeeyo xaqiijinta caddaaladda, xuquuqda maxaabiista iyo saraynta sharciga.

3. In la xoojiyo hanaanka cadaaladda, korna loo qaado adeegyada caddaaladda, isla markaana la xaqiijiyo saraynta sharciga, ilaalinta nabadgalyada iyo la dagaalanka Maandooriyaha.

Horseed Media