Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Isniintii inay ku qasbanaatay inay joojiso dhaq-dhaqaaqa gargaarka iyo hawlaha shaqaalaha gargaarka ee Gaza, sababo la xiriira amar cusub oo ay Israa’iil ku bixinayso in laga guuro deegaanka Deyr al-Balax, ee bartamaha Gaza.
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in howlgallada Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba joogsadeen.
Qaramada Midoobay ayaa horey shaqaalaheeda uga soo rartay magaalada Rafax, iyadoo dajisay deegaanka Deyr al-Balax, halkaasi oo hada markale laga baro-kiciyey.
Amarkan ayey Israel kusoo beegtay xili shaqaalaha Qaramada Midoobay ay isu diyaarinayeen in ay bilaabaan hawlgalada talaalka cudurka dabaysha (polio) oo ku faafaay Marinka Gaza.
Horseed Media