Gobolka Alberta ee dalka Canada oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Published: May 7, 2023
Shares16

Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha uu ku fiday gobolkaas ku yaalla galbeedka Canada.

Dabkan kacay keymaha ayaa sababtay in ku dhowaad 25,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda.

Gobolkan oo hore ay usoo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa raysal wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag.

Alberta waa gobol soo saara shidaalka, balse arrintan ma aha waxa sababay xaaladdan khatarta ah.

Horseed Media