Cilad internetka oo saameysay Shirkadaha diyaaradaha, Bangiyada iyo Warbaahinta

Published: July 19, 2024

Go’itaanka tignoolajiyada caalamiga ah ayaa hakad galiyay howlihii shaqo ee shirkado badan Jimcihii, iyadoo shirkadaha diyaaraduhu ay hakiyeen duullimaadyadii inta baddan dalka Mareykanka, qaar kamid ah warbaahinta ayaa hawada ka maqan, iyadoo arrintan ay khal khal ku keentay nidaamka isgaarsiinta qaar kamid ah bangiyada iyo isbitaalada.

American Airlines, Delta Airlines, United Airlines iyo Allegiant Air ayaa hakiyay duullimaadyadii sababo la xiriira dhibaatooyinka isgaarsiinta. Amarka ayaa yimid wax yar ka dib markii Microsoft ay sheegtay in ay xalisay adeegyadeeda daruuriga ah ee (Cloud service) oo saameeyay dhowr shirkadaha diyaaradaha, in kastoo aan la ogeyn in ciladdan ay la xariirto khal khal ku yimid internetka qaar kamid ah dalalka reer galbeedka.

Shirkaddaha duulimaadka ayaa kamid ahaa kuwa uu dhibka ugu badan kasoo gaaray ciladdan, garoomada diyaaradaha ee adduunka, oo ay ku jiraan Tokyo, Amsterdam, Berlin iyo dhowr garoon diyaaradeed oo Isbaanish ayaa la sheegay inay ciladdan saameysay, iyadoo uu dib u dhac ku yimid qaar kamid ah duulimaadyadda.

Bangiyada iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee Australia ilaa Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa uga digay macaamiisha in ciladdan ay carqaladayn ku keeni karto adeegyadooda.

Horseed Media