Golaha Amaanka: “Madaxda Soomaalida waa in dib ugu laabtaan wadahadalka”

Published: April 24, 2021

Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya si gaar ah qalalaasaha ka dhashay Muddo kororsigii ay sameysteen Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo madaxweynaha.

Golaha ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda dalka ee uu dhaliyay muranka qabsoomid la’aanta Doorashada.

“Xubnaha Golaha Amaanku waxa ay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada xaalka cakiran ee siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku saabsan qaabka doorashada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dib u xasuusiyay dadka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika horumarkii tobankii sano ee la soo dhaafay laga gaaray dhinacyada amaanka, dimuqraadiyadda, dib u habeynta siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deynta,Waxa ay sheegeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uu baabi’inayo horumarka dadaalka badan lagu kasbaday ee ka hirgalay Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in khilaafka kaliya aanu baab’inayn horumarka la gaaray hase aahatee uu sidoo kale ka weecinayo dhibaatooyinka ay kamid yihiin Abaaraha ka jira dalka daadadka, Covid19 ,ayaxa,iyo la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa hoosta ka xariiqay in is afgarad yimaada uu muhiim u yahay qaab kasta oo lagu hirgalin karo doorasho si guul leh lagu gaarsiiyo dalka. Waxaana ay xuseen in heshiiskii 17-kii Sebtember uu weli yahay aasaaska kaliya ee heshiis lagu wada yahay loona baahan yahay in Madaxda Soomaalida in ay dib u bilaabaan wadahadalka si deg deg ah oo aan shuruud lahayn.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carabka ku adkeeyeen in is afgaradku muhiim u yahay qaab kasta oo doorasho oo si guul leh loo gaarsiiyo. waxa ay xuseen in heshiiskii 17-kii Sebtember uu weli yahay aasaaska kaliya ee ay ansaxisay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Bayaanka kasoo baxay Xubnaha Golaha Amaanka ayaa loogu baaqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waddamada ay ciidamada ka joogaanSoomaaliya,iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah in ay door ka qaataan xalinta khilaafka ,Dhamaan dhinacyada siyaasadda isku haya ee Soomaaliya ayay ug baaqeen in ay diidaan rabshadaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *