Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay Hawlgalka ciidamada ammaanka ee Haiti

Published: October 3, 2023
Shares60

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii oggolaaday hawlgal amni ee ciidamada shisheeye ah oo loo diro Haiti, sannad ka dib markii dalkaasi uu codsaday in laga caawiyo la dagaalanka kooxaha hubeysan ee qabsaday inta badan caasimaddiisa Port-au-Prince.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale balaariyay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay oo lagu daray dhammaan kooxaha hubeysan ama burcadda ah.

Xayiraadda ayaa markii hore kaliya lagu dabaqi jiray shaqsiyaadka la magacaabay.

Saraakiisha Haiti ayaa sheegay in hubka ay adeegsadaan kooxaha burcadda ah la rumeysan yahay in inta badan laga keeno dalka Mareykanka.

Codsiga Haiti ee caawimada ciidamada shisheeye ayaa dib u dhac la kulmay iyadoo markii hore la waayey dal diyaar u ah inuu hogaamiyo howlgalkan amniga lagu sugayo.

Dowlada Kenya ayaa bishii Luuliyo shaacisay ballanqaad ah 1,000 askari booliis ah. Jasiirada Bahamas ayaa markaa ballan qaaday 150 askari, halka dalalka Jamaica, Antigua iyo Barbuda ay iyaguna diyaar u yihiin inay caawiyaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa ku booriyay waddamada, gaar ahaan Qaarada Ameerika, “iney dardaran geliyaan hawlgalkan cusub”. Ka dib ansixintii golaha ee Isniintii shalay, lama sheegin weli xiliga la filayo in ciidankaasi uu gaarayo dalka Haiti.

Horseed Media